tool

Tababarka CYDE eek u saabsan qaan gaadhnimada xerta

La wadaag boggan

Tababarka Baaskiilka waxaa loo adeegsadaa in xerta lagu gaadhsiiyo qaan-gaarnimo iyada oo loo marayo afar tallaabo oo kala duwan oo kobac ruuxi ah.

Tallaabooyinku waa: Tusaale u noqosho, Gacan siin, Isha ku hayn, iyo Sii dayn.

Tababarka Baaskiilku wuxuu xerka ka qaadaa bilowga xirfad ama anshax cusub ilaa uu ka gaadho heer aanu mar dambe ugu baahnayn hagid xirfaddaas. Xer badan iyo xer sameeyayaal badanba waxay ku xannibmaan tallaabooyinka hore ee tababarka (tusaale u noqosho, gacan siin), waqti ku filanna kuma bixiyaan tallaabada saddexaad (isha ku hayn), tallaabada afraadna (sii dayn) ku dhowaad marnaba ma gaarsiiyaan.

Tababarka Baaskiilku sidan ayuu u shaqeeyaa:

Waa maxay Tababarka Baaskiilku? Sidan uga fikir. Waligaa ma baratay sida baaskiilka loo fuulo? Waligaa qof kale ma bartay? Hadday sidaas tahay, waxay u badan tahay inaad khibrad ahaan mar hore u taqaan Tababarka Baaskiilka.

training cycle

TUSAALE U NOQOSHO

Tusaale u noqoshadu waa si fudud inaad tusaale ka bixiso hab ama qalab. Waa qaybta ugu gaaban ee tababarka. Badanaa hal mar oo keliya ayay u baahan tahay in la sameeyo. Waxay si fudud u abuurtaa wacyi ah in hab ama qalab jiro, waxayna bixisaa sawir guud oo ku saabsan sida uu u egyahay. In marar badan lagu celceliyo tusaalayn ma aha hab wax ku ool ah oo qof lagu qalabeeyo. Waa in loo oggolaadaa inuu isagu isku dayo xirfadda. Marka ilmuhu arko qof baaskiil fuulaya, taasi waa marxaladda Tusaale u Noqoshada.

GACAN SIIN

Gacan siintu waa in qofka wax baranayaa ku dhaqmo xirfadda. Tani waxay qaadataa waqti ka dheer marxaladda tusaale u noqoshada. Waxay u baahan tahay in la taliyuhu gacanta qabto qofka wax baranaya. La taliyuhu wuxuu u baahan yahay inuu si cad u hago oo uu door firfircoon ku yeesho tababarka qofka wax baranaya. Marxaladdani ma sii socoto ilaa qofku si buuxda ugu fiicnaado xirfadda, balse ilaa uu fahmo aasaaska xirfadda. Haddii marxaladdan la dheereeyo, qofka wax baranayaa wuxuu ku tiirsanaan doonaa la taliyaha oo marna ma gaadhi doono karti buuxda. Dhammaadka marxaladdan waa in lagu gartaa marka qofka wax baranayaa bilaabo inuu kuwa kale tusaale u noqdo. Marka waalidku baaskiilka hayo inta ilmuhu baranayo inuu dheelitirkiisa ilaashado, taasi waa marxaladda Gacan Siinta.

ISHA KU HAYN

Isha ku hayntu waa marxaladda ugu dheer. Waxay ku lug leedahay xidhiidh aan sidaa tooska ahayn oo lala yeesho qofka wax baranaya. Ujeeddadeedu waa in lagu kobciyo karti buuxda oo ku saabsan dhammaan dhinacyada xirfadda. Waxay qaadan kartaa toban jeer ama ka badan inta ay qaateen labada marxaladood ee hore oo la isku daray. Marka qofka wax baranayaa ku sii socdo xirfadda, xidhiidhka la taliyaha wuu sii yaraan karaa oo wuxuu noqon karaa marba marka ka dambaysa. Marxaladdan qofka wax baranayaa si tartiib ah ayuu u qaataa masuuliyad iyo hindise dheeraad ah marka uu xirfadda fulinayo. Badanaa marka laga hadlayo xer samaynta, calaamadda dhammaadka marxaladdan waa marka qofka wax baranayaa uu xirfaddan si guul leh ugu gudbiyo jiilka afraad isaga oo adeegsanaya kuwa uu isagu tababarayo. Marka waalidku eegayo ilmuhu isagoo baaskiil fuulaya oo hubinaya inuu leeyahay xirfad iyo aqoon ku filan oo uu keligii ugu fuuli karo, taasi waa marxaladda Isha ku Haynta.

SII DAYN

Sii dayntu waa nooc qalin-jabin ah marka qofka wax baranayaa noqdo saaxiib shaqo oo la taliyaha la siman. Xidhiidh marmar ah iyo la talin ay isku heer yihiin way sii socon karaan haddii qofka wax baranaya iyo la taliyuhu ay ka wada tirsan yihiin isla shabakadda. Marka waalidku u sii daayo ilmaha inuu baaskiilka fuulo isaga oo aan cidina kor joogteynin, taasi waa marxaladda Sii Daynta.

Sidoo kale eeg Nidaamka Xaqiijinta Hoggaaminimo si aad tusaale ugu aragto sida Tababarka Baaskiilka loogu isticmaalo dabagalka horumarka xerka.

Is waydii

  • Waligaa ma ka qayb gashay Tababarka Baaskiilka?
    • Adigu yaad tababartay? Mise yaa ku tababaray?
    • Isla qofku ma ku jiri karaa qaybo kala duwan oo Tababarka Baaskiilka ah isaga oo baranaya xirfado kala duwan?
    • Sidee ayay kuula muuqan lahayd in qof sidan loo tababaro?

Maanta bilow Zúme Training

Waa gebi ahaanba bilaash, waxaadna bilaabi kartaa wakhti kasta—xawaarahaaga ayaad ku socon kartaa, meel kasta oo aad joogto.

Lacag la’aan isku diiwaan gali.