Sharciyada ilaalinta xuquuqda ee tababarka zume

Ilaalinta quxuuqda shakhsiga ah ee zume waxaa loogu tala galay in si fiican loogu adeego kuwa doonaya in war bixinta “aqoonsigooda gaarka ah loo ilaaliyo” (PII) Ayaan loo adeegsadaa online ka. PII dalka Maraykanka waa coode shaciyeed lagu ilaaliyo xifdinta xuquuqda gaarka ah iyo daatada shakhsiga ahba. Fadlan akhri siyaasaddanada ku saabsan ilaalinta daatada iyo xuquuqda gaarka ahba, si aad u fahanto sida aannu u helno xogaha gaarka ah ee aannu u adeegsanno, una ilaalinno, ama waxa aannu ka yeello xogaha ku saabsan.

Maxay tahay ruqsadda ay bulshadu u baahan tahay si ay u gasho app ka. aad uga baahan tahay inaad gasho?

Profilke hoose wuxuu isbadalkiisu ku xidhan yahay haddii faceboo ama Google la adeegsado.

  • Profile guud. Wuxuu ka kooban yahay daatada dhawr qof, sida Aqoonsiga, magaca, sawirka qofka, jinsiga qofka iyo meesha ay joogaan.
  • Email address.

Maxaannu ku samayna xogta ku saabsan daatada gaarka ah ee dadka ku jira wesite ka?

Xogaha qaar waxaa loo adeegsadaa si uu websitku u shaqeeyo, qaar kalena waa la xifdiyaa oo la kaydiyaa si loogu adeegsado tababarrada iyo taageerooyinka kale ee tababarayaasha.

  • Magaca dhabta ah ama naanaysta waa loo bahan yahay si kor loogu qaado tayada shakhsiyadeed ee bugga iyo xidhiidhka, iyo in la tayeeyo adeegga loo baahan yahay iyo tababarahaba.
  • Luuqadda ay ku hadlaan adeegsadayaashu waa loo baahan yahay in la kaydiyo oo loogu adeegsado xidhiin sax ah oo habboon, taas oo innaga caawinaysa inaan ku xidhno adeegsadayaasha tababare sax ah iyo xog dheeraad ahaba.
  • Waxaa loo baahan yahay adeegsadaha email addreeskiisa si loo abuuro addrees oo loogu adeegsado xidhiidhka is dhex galka ah, taas oo qayb ka ah boggu inuu shaqeeyo.
  • Waxaa la soo qorayaa adeegsadayaasha telefan numberkooda si loogu kaydiyo si uu u adeegsado adeegga la taliyaha xorta ah.
  • Magaalada adeeggaasu ka socdo addreeskeeda waa loo bahan yahay si loo xadeeyo bixnta qalabka loo adeegsanayo ee xagga xidhiidhka ah, oo loogu adeegsado La talinta saxda ah iyo adeeeg bixintaba.

Goormaad daatada uruurinnaa?

  • Waxaan uruurinnaa marka qofku galayo appka.
  • Sidoo kale waxaannu la soconna horumarka laga samayso Kouraska websiteka.
  • Waxaanu kaa codsanaynaa war bixin dheeraad ah anaga oo adeegsanayna qaabab kala duwan inaad u gasho app.

Sideednu u adeegsanaa daatadaada?

  • Waxaannu u adeegasnaa daatadaada in aannu nidaamka zume noaccount ka abuurno kaas oo ku salaysan email address kaaga.
  • Email Ayaan kuu soo diri doonnaa ku saabsan adeegsiga emailka sida inaannu kaa codsanno inaad password kasal ku samaysid iyo qayba kale oo ku saabsan nidaamka.
  • Email ku saabsan xusuustin iyo dhiirri galin ayaannu mar mar kuu soo diraynaa, taasu waxay ku xidhantahay horumaka aad ka samayso tababarka.

Sideen u ilaalinnaa daatadaada gaarka ah?

Waxaannu adeegsanna nidaam qariya farriimaha oo ilaaliya oo loo yaqaanno (Encryption) kaas oo ilaaliya farriimaha aadka xassaasiga u ah marka la isku dhaafsado online. Sidoo kalewaannu ilaalinaynaa daatadda gaarka ah markaad khadka ka maqantahay. Kaliya xubnaha kooxda ee u baahan macluumaadka si ay u qabtaan shaqo gaar ah (tusaale ahaan, maamulaha websaytka ama adeegga macaamiisha) ayaa loo oggolaadaa inay helaan macluumaadka shakhsiga lagu aqoonsan karo.

Daataddaada gaar ka ah waxay ku jirtaa Isgaadhsiin aamin ah, oo waaxaa heli kara oo kaliya tiro yar oo dad ah, kuwaas oo fasax gaar ah loo siiyay inay galaan nidaamka, waxaana laga codsaday inay ilaaliyaa siraha dadka ku jira nidaamka daatadooda gaarka ah. Waxaa intaa dheer warrarka xassaasiga ah numbarrada sirta ah eek u saabsan kaydka lacaga ee aad adeegsato sida Visa card waa la qariyay (Encrypted) oo waxaa lagu ilaaliyay technologiyadda (SSL).

Waxaannu ku baadhnaa nidaamka hubinta nabad galyada ah marka uu qof galayo nidaamka oo uu doonayo inuu war bixinnada gaarka ah ama daatada helo, si loo ilaaliyo nabad qabka war bixinnada gaar ka ah.

Miyaannu adeegsannaa waxa loo yaaqno “Kookies”?

Cid kasta oo adeegsata nidaamkaas wax lagu raad qaado-ama hab kale waxaa qasab ah in laga codsado inay is caddeeyaan oo xogtooda gaarka ah la helo, taasuna waxay waafaqsan tahay u jeeddada nidaamka iyo in ciddii adeegsanaysaba la hubiyo.

Galitaanka iyo xakamaynta daatadaada.

Waxaad samayn kartaa waxyaabaha soo socda wakhti kasta adiga oo nagala soo xidhiidhaya boggayaga "Nala Soo Xidhiidh".

  • Eeg oo arag waxa daatadaada ah ee aannu ka soo uruurinnay sda aad loola shaqayso.
  • Wax ka badal ku samee/Saxitaan ku samee daadata aanu kaa haynno.
  • Waad naga kansali kartaa daatada aannu kaa kaydinay ee account gaaga ku jirta.
  • Sheeg wax kasta oo aad ka fikirayso oo ku saabsan sida aannu u adeegsanno daatadaa.
  • Hor istaag mustaqbalka xidhiidh kasta oo xaganaga ka yimaada.

Nala Soo Xidhiidh

Cusboonaysiin

Waxaa laga yaabaa inay qaabka aannu u ilaalino xuquuqda gaarka ahu is badasho marba mark aka dembaysa, cusboonaysiin (Update) kasta waxaxaa la soo dhigayaa boggan.