tool

Injiilka iyo sidaad dadka ula wadaagi lahayd

La wadaag boggan

Waxaa jira siyaabo badan oo Qorshaha Eebbe loo wadaagi karo. Habka ugu fiican wuxuu ku xidhnaan doonaa qofka aad la wadaagayso, aragtidiisa adduunka, iyo waayo-aragnimadiisa nololeed. Eebbe wuxuu adeegsadaa qalbiyo diyaar u ah inay wax wadaagaan si uu uga shaqeeyo qalbiyo diyaar u ah inay maqlaan. Hal jid oo Qorshaha Eebbe loo wadaago waa in la sharxo wixii dhacay laga bilaabo Abuurkii uunka ilaa iyo maalinta qiyaamaha dhammaadka wakhtigan.

Qorshaha Eebbe: Habka Abuurkii Uunka Ilaa Qiyaamaha

Bilowgii, Eebbe wuxuu sameeyey dunida oo dhan iyo wax kasta oo ku jira.

Wuxuu abuuray ninkii ugu horreeyey iyo naagtii ugu horraysay. Wuxuu geeyey beer qurux badan. Wuxuu ka dhigay qayb ka mid ah qoyskiisa, xidhiidh dhowna wuu la lahaa.

Wuxuu u abuuray inay weligood noolaadaan. Geeri ma jirin. Xataa meeshan qumman gudaheeda, banii'aadamku wuu ku caasiyey Eebbe, wuxuuna dunida keenay dembi iyo silic. Eebbe wuxuu dadka ka eryay beerta. Xidhiidhkii u dhexeeyey dadka iyo Eebbe wuu jabay. Hadda dadku waa inay wajahaan geeri. Boqollaal sano oo badan gudahood, Eebbe wuxuu sii waday inuu dunida u soo diro farriin-wadayaal. Waxay dadka xusuusin jireen dembigooda, laakiin waxay kaloo u sheegi jireen aaminnimada Eebbe iyo ballanqaadkiisa ah inuu dunida u soo diri doono Badbaadiye.

Badbaadiyuhu wuxuu soo celin lahaa xidhiidhkii dhowaa ee u dhexeeyey Eebbe iyo dadka. Badbaadiyuhu dadka ayuu ka badbaadin lahaa geerida. Badbaadiyuhu wuxuu siin lahaa nolosha weligeed ah, weligiisna wuu la jiri lahaa dadka. Eebbe aad buu inoo jecel yahay, markay wakhtigu buuxsantayna wuxuu dunida u soo diray Wiilkiisa inuu noqdo Badbaadiyahaas.

Ciise wuxuu ahaa Wiilka Eebbe. Bikrad ayuu dunida ku yimid. Wuxuu ku noolaa nolol qumman. Marna dembi ma gelin. Ciise wuxuu dadka baray wax ku saabsan Eebbe. Wuxuu sameeyey mucjisooyin badan oo muujinaya awooddiisa weyn. Jinniyo badan ayuu saaray. Dad badan ayuu bogsiiyey. Wuxuu indhoolayaasha ka dhigay kuwo wax arka. Wuxuu dhegoolayaasha ka dhigay kuwo wax maqla. Curyaamiintana wuu socodsiiyey. Ciise xataa kuwii dhintay ayuu soo sara kiciyey. Hoggaamiyeyaal badan oo diimeed ayaa ka baqay oo ka masayray Ciise.

Waxay doonayeen in la dilo. Maaddaama uusan dembi gelin, Ciise khasab kuma ahayn inuu dhinto.

Laakiin isagu wuxuu doortay inuu u dhinto sidii allabari inoo wada ahaa. Dhimashadiisii xanuunka badnayd waxay dabool u noqotay dembiyada dadka. Dabadeedna Ciise qabri ayaa lagu aasay. Eebbe wuxuu arkay allabarigii Ciise bixiyey wuuna aqbalay. Eebbe wuxuu aqbalitaankiisa ku muujiyey inuu maalintii saddexaad Ciise ka sara kiciyey kuwii dhintay.

Eebbe wuxuu yidhi haddii aynu rumaysanno oo aynu aqbalno allabarigii Ciise u bixiyey dembiyadeenna - haddii aynu dembiyadeenna ka soo noqonno oo aynu Ciise raacno - Eebbe dembi oo dhan wuu inaga nadiifiyaa, mar kalena qoyskiisa ayuu nagu soo dhoweynayaa.

Eebbe wuxuu soo diraa Ruuxa Qudduuska ah inuu innagu dhex noolaado oo inaga dhigo kuwo awood u leh inay Ciise raacaan. Biyaha ayaa laynagu mukhuursiiyaa si loo muujiyo loona xaqiijiyo xidhiidhkan la soo celiyey.

Astaanta geerida awgeed, biyaha hoostooda ayaa nala aasaayaa. Astaanta nolosha cusub awgeedna, biyaha ayaa laynaga soo sara kiciyaa si aynu Ciise u raacno.

Markii Ciise kuwii dhintay ka sara kacay, 40 maalmood ayuu dhulka joogay.

Ciise wuxuu xertiisii baray inay meel kasta tagaan oo dadka dunida oo dhan u sheegaan warka wanaagsan ee badbaadadiisa. Ciise wuxuu yidhi - Taga oo ummadaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku mukhuursiiya magaca Aabbaha, Wiilka iyo Ruuxa Qudduuska ah, oo bara inay addeecaan wax kasta oo aan idinku amray. Oo ogaada inaan idinla joogo mar walba ilaa dhammaadka dunida.

Dabadeedna Ciise ayaa indhahooda hortooda loogu qaaday samada. Maalin maalmaha ka mid ah, Ciise wuxuu u soo noqon doonaa sidii uu ku tegay. Wuxuu weligiis ciqaabi doonaa kuwa aan jeclaan oo aan addeecin. Wuxuu weligiis aqbali oo abaalmarin doonaa kuwa jeclaaday oo addeecay. Waxaana weligeen kula noolaan doonnaa samada cusub iyo dhulka cusub.

Anigu waan rumaystay oo waan aqbalay allabarigii Ciise dembiyadayda u bixiyey. Wuu i nadiifiyey, wuxuuna iga dhigay qayb ka mid ah qoyska Eebbe. Isagu wuu i jecel yahay, anna waan jeclahay isaga, weligayna waxaan kula noolaan doonaa boqortooyadiisa. Eebbe adigana wuu ku jecel yahay, wuxuuna doonayaa inaad hadiyaddan aqbashid. Ma jeclaan lahayd inaad taas hadda samayso?

Kaligaa ku celceli bandhiggan Injiilka ilaa aad ku dareemayso inaad si deggan u sheegi karto qisadan.

Is waydii

  • Ma qisadan xasuus ahaan u sheegi kartaa? Qof kastaa ku celcelinta ayuu ku sii fiicnaadaa sheegidda qisada Injiilka. Hadda joogsada oo 3 jeer ku celceliya.
    • Maxaad ka baranaysaa dadka qisadan ku jira?
    • Maxaa Eebbe ka baranaysaa?
    • Ma u malaynaysaa inay fududdahay ama adagtahay inaad sidan dadka u wacdido oo aad warka wanaagsan ee Eebbe la wadaagto?

Maanta bilow Zúme Training

Waa gebi ahaanba bilaash, waxaadna bilaabi kartaa wakhti kasta—xawaarahaaga ayaad ku socon kartaa, meel kasta oo aad joogto.

Lacag la’aan isku diiwaan gali.