Daacadnimada ayaa ka wanaagsan aqoonta
Daacadnimadu waa qiyaas aad uga wanaagsan qaangaarnimada ruuxiga ah marka loo eego aqoonta iyo tababarka. Markaynu xerta tarminayno, aynu hubinno inaynu cabbirayno waxyaabaha saxda ah. Haddii aynu addeecno oo aynu dadka kale la wadaagno waxa aynu maqalno, waxaynu nahay kuwo daacad ah. Haddii aynu maqalno laakiin aynu diidno inaan addeecno oo la wadaagno, waxaynu nahay kuwo aan daacad ahayn.
Waxaa jira laba fikradood oo maanta dhibaatooyin badan ku keenay kiniisadda.
Tan koowaad waa fikradda ah in qaangaarnimada ruuxiga ah ee qofku ku xidhan tahay inta uu ka yaqaan Erayga Eebbe. Waxay u dhaqmaan sidii in RUMAYSAD SAX AH - ama caqiidada saxda ahi - uu yahay cabbir wanaagsan oo lagu ogaado rumaysadka qofka.
Tan labaad waa fikradda ah in kartida qofka ee hoggaamintu u baahan tahay "tababar buuxa" ka hor intuusan bilaabin adeegga. Waxay u dhaqmaan sidii in AQOON DHAMMAYSTIRAN ay tahay cabbir wanaagsan oo lagu ogaado kartida qofka ee adeegidda. Dhibaatada fikradda koowaad - ku tiirsanaanta CAQIIDADA SAXDA AH - ama "rumaysad sax ah" waa in Shaydaanka qudhiisu uu Qorniinka ka badan yaqaanno qof kasta.
ERAYGA EEBBE wuxuu leeyahay - Waxaad rumaysan tahay inuu jiro Ilaah keliya. Waa hagaag! Xataa jinniyadu way rumaysan yihiin wayna gariiraan. Cabbir ka wanaagsan oo lagu ogaado qaangaarnimada ruuxiga ah ee qofka waa DHAQAN SAX AH - ama ku dhaqanka saxda ah. Waa inaynu aad uga welwelnaanno DAACADNIMADA ku jirta ADDEECIDDA iyo LA WADAAGISTA intii aynu qaangaarnimada ku cabbiri lahayn waxa aynu naqaan oo keliya.
Dhibaatada fikradda labaad - in qofku si buuxda u tababaran yahay ka hor intuusan hoggaamin - waa in qofna waligiis si buuxda u tababaranayn. Ciise wuxuu tusaale u noqday isagoo diraya hoggaamiyeyaal da'yar oo wali wax badan baranaya si ay u qabtaan qaar ka mid ah shaqooyinka ugu muhiimsan ee Boqortooyada. ERAYGA EEBBE wuxuu leeyahay - Ciise wuxuu isu yeedhay laba-iyo-tobankii rasuul, wuxuuna siiyey awood buuxda oo ay jinniyada iyo cudurrada oo dhan kaga adkaadaan.
Dabadeedna wuxuu u diray inay ku wacdiyaan Boqortooyada Eebbe oo ay bogsiiyaan kuwa buka. Raggan waxaa la diray ka hor intaan Butros qiran inuu Ciise yahay Badbaadiyaha - wax aynu u arki lahayn tallaabada ugu horraysa ee rumaysadka. Xataa ka dib markii la diray, Ciise marar badan ayuu Butros ku canaantay khaladaadkiisa, Butrosna goor dambe si buuxda ayuu Ciise u inkiray. Xertii kale waxay ku murmeen cidda ugu weyn iyo doorka mid walba ku yeelan doono Boqortooyada Eebbe ee mustaqbalka.
Dhammaantood weli wax badan bay baranayeen, laakiin Ciise wuxuu geliyey inay dadka la wadaagaan wixii ay hore u yaqaaneen. Daacadnimadu - aqoonta ka badan - waa wax bilaaban kara isla marka qofku bilaabo inuu Ciise raaco.
Qaangaarnimadu waqti ayay ku xidhan tahay, laakiin daacadnimada waxaa la muujin karaa heer kasta oo nolosha xerka ah.
Is waydii
- Ka fikir amarka Eebbe ee aad mar horeba ogtahay. Sidee ayaad "daacad u tahay" marka laga hadlayo inaad addeecdo oo aad dadka la wadaagto waxyaabahaas?
Maanta bilow Zúme Training
Waa gebi ahaanba bilaash, waxaadna bilaabi kartaa wakhti kasta—xawaarahaaga ayaad ku socon kartaa, meel kasta oo aad joogto.
Lacag la’aan isku diiwaan gali.