Mukhuursiinta iyo sidaad u samayn lahayd
Mukhuursiintu waa sawir ka turjumaya nolosheenna cusub, taas oo ku qooyan ekaanta Ciise oo addeecidda Eebbe lagu beddelay. Waa sawir ka turjumaya dhimashadeenna dembiga, sida uu Ciise dembiyadeenna ugu dhintay. Waa sawir ka turjumaya aaska hab nololeedkeennii hore, sida Ciise loo aasay. Waa sawir ka turjumaya dib ugu dhalashada nolol cusub oo Masiixa ku jirta, sida Ciise loo soo sara kiciyey oo uu maanta u nool yahay. Ciise wuxuu yidhi -- “Taga oo ummadaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku mukhuursiiya magaca Aabbaha, Wiilka iyo Ruuxa Qudduuska ah...” Mukhuursiinta - ama Baptizo afkii Giriigga ahaa - waxay ka dhigan tahay qooyn ama dhexgelin buuxda - sida marka maro midab lagu rito oo ay midabka nuugto dabadeedna ay is beddesho.
Sida qof loo mukhuursiiyo
Haddii aadan waligaa qof u mukhuursiin jirin, waxay u ekaan kartaa wax cabsi gelinaya, laakiin sidaas ma aha inay noqoto. Waa kuwan tallaabooyin fudud:
- Raadi biyo taagan oo ku filan in xerga cusub si buuxda loogu dhex gelin karo. Tani waxay noqon kartaa balli, webi, haro ama bad. Waxay kaloo noqon kartaa saxanka qubeyska ama hab kale oo biyo lagu ururiyo.
- U daa xerga inuu gacantiisa ku qabsado mid ka mid ah gacmahaaga, gacanta kalena dhabarkiisa ku taageer.
- Weydii laba su'aalood oo sidan oo kale ah si aad u hubiso inuu fahmay go'aankiisa. “Miyaad Ciise Masiix u aqbashay inuu yahay Rabbigaaga iyo Badbaadiyahaaga?” “Ma addeeci doontaa oo ma u adeegi doontaa isaga isagoo Boqorkaaga ah inta noloshaada ka dhiman?”
- Haddii uu labadaba ku jawaabo “Haa,” markaa dheh wax sidan oo kale ah: “Maaddaama aad qiratay iimaankaaga Rabbiga Ciise, hadda waxaan kugu mukhuursiinayaa magaca Aabbaha, Wiilka, iyo Ruuxa Qudduuska ah.”
- Ka caawi inuu biyaha ugu dego, si buuxdana ugu dhex galo, dabadeedna kor uga soo qaad.
Hambalyo! Waxaad mukhuursiisay qof cusub oo Ciise raaca - muwaaddin cusub oo samada ka tirsan - ilmo cusub oo Eebaha nool ah. Waa wakhtigii la dabaaldegi lahaa!
Is waydii
- Waliga ma lagu mukhuursiiyay? Haddii kale, waa ayo rumayste aad la hadli karto oo aad tallaabadan xigta ee addeecidda la qaadi karto?
- Waligaa qof ma mukhuursiisay?
- Ma ka fikirtay xataa?
- Haddii Amarka Weyn uu mid kasta oo xerta Ciise Masiix ah khuseeyo, taas macnaheedu ma yahay inuu mid kasta dadka kale mukhuursiin karo? Maxay sidaas u tahay ama u ahayn?
Maanta bilow Zúme Training
Waa gebi ahaanba bilaash, waxaadna bilaabi kartaa wakhti kasta—xawaarahaaga ayaad ku socon kartaa, meel kasta oo aad joogto.
Lacag la’aan isku diiwaan gali.