concept

Qofka nabadda iyo sidaad ku heli lahayd

La wadaag boggan

Qofka nabaddu wuxuu gacan ka geysan karaa in xer samayntu si dhakhso leh u taranto, xataa meel ay kuwa Ciise raacaa ku yar yihiin oo kala fog yihiin. Daawo fiidyowga hoose si aad u barato qofka noocaas ahi cidda uu noqon karo iyo sidaad u ogaan lahayd markaad hesho.

Markaad rabto inaad xer ka dhigto meel aanay dad badani - ama laga yaabee xataa qofna - ka jirin, markaas raadinta qofka nabaddu waxay noqon kartaa waxa ugu muhiimsan ee aad samayso.

Qofka nabaddu waa:

  • qof FURFURAN oo diyaar u ah inuu maqlo markhaati furkaaga, Qorshaha Eebbe, iyo warka wanaagsan ee Ciise.
  • qof SOO DHAWAYN LEH oo gurigiisa, goobtiisa shaqada, ama munaasabadaha uu qoyska iyo saaxiibbada la joogo kugu soo dhaweeya.
  • qof DADKA KALE YAQAAN, ama ay dadka kale YAQAANNAAN, oo ku faraxsan inuu isu keeno koox yar ama xataa dad badan.
  • qof DAACAD AH oo waxa uu barto dadka kale la wadaaga - xataa ka dib markaad ka tagto.

Saddex siyaabood oo fudud oo lagu garto qofka nabadda:

  • Dadka bulshada ku jira wax ka WAYDII -- “Halkan yaa lagu kalsoon yahay? Ma jiraa qof meeshan jooga oo dadka kale ka hormariya naftiisa?”
  • U bandhig inaad qof kula kulanto ugu ducayso markaad samaynayso tukashada socodka ama inta aad ku jirto hab nololeedkaaga maalinlaha ah.
  • Fikrado ruuxi ah SOO GELI wada hadal kasta si aad u ogaato in Eebbe ka shaqaynayo nolosha qofka.

Sida kasta oo aynu ku helno, xusuusnow Ciise wuxuu yidhi qofka nabaddu waa qofka ay tahay inaynu inta badan wakhtigeenna xer samaynta la qaadanno.

Is waydii

  • Qof “sumcad xun” leh, sida haweenaydii Samaariyadda ama ninkii jinnigu ku jiray ee reer Gadareni, ma noqon karaa qofka nabadda? Maxay sidaas u tahay ama u ahayn?
    • Waa maxay bulsho ama qayb bulshada ka mid ah oo kuu dhow oo u muuqata in joogitaanka Boqortooyada Eebbe uu ku yar yahay ama aanu ka jirin?
    • Sidee ayuu qofka nabaddu, oo ah qof furfuran, soo dhawayn leh, dadka kale yaqaanna, waxna la wadaaga, u dedejin karaa faafidda Injiilka ee bulshadaas?

Maanta bilow Zúme Training

Waa gebi ahaanba bilaash, waxaadna bilaabi kartaa wakhti kasta—xawaarahaaga ayaad ku socon kartaa, meel kasta oo aad joogto.

Lacag la’aan isku diiwaan gali.